Mo Farah iyo tartanka Commonwealth 2010

Published on August 25, 2010 by   ·   No Comments
Great Britain's Mo Farah celebrates afte
Number of View: 567

LONDON, CIYAARO-Maxamed Faarax ayaa ciyaarihii lagu qabtey bishii hore ee magaalada Barcelona dalka Spain qaaday biladaha dahabka oradada dhaadheer, islamarkaana todobaadkii la soo dhaafey dhigay record cusub kadib markii uu jabiyay saacadii hore (long-standing  British record).

Labo bilad dahablaha horyaalka oradada 5,000mitir iyo 10,000mitir European champion-ka 2010 ciyaaryahan Maxamed Faarax ayaa doonaya inuu markale ku guulaysto tartanka cayaaraha Commonwealth Games oo lagu wado in lagu qabto bisha Oktobar magaalada Delhi dalka India.

Liiska ciyaartooyda dalka England uga qayb galaysa tartanka ka furmaya bisha Oktoobar oo shalayto la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah 3 ciyaaryahan oo haysato biladaha dahabka European-ka xulka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa la filayaa oradada  5,000mitir iyo 10,000mitir tartan adag kula gali doonaa garoomada magaalada Delhi ciyaaryahanada u dhashay dalka Kenya oo lagu yaqaan inay raxan raxan uga soo qayb galaan tartamada kadibna hantaaan biladaha kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad.

Maxamed Faarax hada waa ninka haysta biladaha dahabka oradada 5km iyo 10km ee Yurub 2010 laakinse tartankaan ka dhici doono magaalada Delhi, waxaa ka soo qayb gali doono ciyaaryahano qatar ah oo haysta horyaalka aduunka iyo kan Olampikada, taasoo lagu kale ogaan doono farqiga u dhaxeeya awooda ciyaaryahanada ka orda dalalka Yurub sida Mo Farah oo kale iyo kuwa Afrika ka yimaada sida kuwa Kenyaanka oo kale.

Maxamed Faarax  oo u ordaya dalka Ingiriiska ahna wiil Soomaaliyeed,ayaan u rajaynayaa inuu kaalinta koowaad ka soo galo tartanka cayaaraha Commonwealth Games insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Related posts:

Real Madrid oo 7 sano kadib gaartay quarter-ka CHL
Hassan Wiish oo ka qeybgalay ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee Tanzania ka soconaya
Taratanka Eurosom 2011 oo ka furmi doona Helsinki
Share
Readers Comments (0)




Sticking with his man

Macalinka England Capello oo ka soo horjeestay xil ka qaadista John Terry

ROME (CIYAARO)—Macalinka England Fabio Capello ayaa diidmo ...
Cristiano Ronaldo

Xavi oo xayawaano guuldareystay ku tilmaamay ciyaartoyda Real Madrid

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ...
-

$1 million oo abaalmarin ah ayaa faraha laga saaray xulka Equatorial Guinea

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ...
Our Reader's Comments
Most Popular