MADRID, (CIYAARO) – weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan 3 todobaad markii uu dhaawac ka soo gaatay anqowga midig, sida lagu sheegay website kooxad oo ah (www.realmadrid.com).
Ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan wuxuu dhaawacaasi soo gaaray kulankii furitaanka ee xalay ay Real la ciyaartay Real Mallorca kaasoo ku soo idlaaday 0-0.
Wuxuu waayi doonaa ciyaaraha isreebreebka ee xulkiisu Portugal ay ciyaarayaan Euro 2012 gaar ahaan kulamada ay la ciyaarayaan Cyprus iyo Norway sidoo kale kulanka ay Real la ciyaari doonto Osasuna iyo kan Champions League ee ay la ciyaari doonto Ajax.
ciyaaro@gmail.com