Sochaux oo ku tumatay PSG
PARIS (CIYAARO)— Modibo Maiga iyo Ideye Brown ayaa Sochaux u kala dhaliyay 3-1 ay kaga taqalustay Paris Saint-Germain horyaalka French league.
PSG guuldaradaan waxey u tahay tii 3aad oo isku xigta oo ku dhacda. Waxaana 3dii kulan ee ay ciyaartay PSG laga dhaliyay 9 gool, mar waxaa 2-1 kaga adkaatay Bordeaux mar kale waxaa 4-3 u dhiibtay Maccabi Tel Aviv koobka Europa League.
Nice waxey bareejo 1-1 ah ka heshay Lille halka Monaco ay 2-0 kaga gudubtay Auxerre.
Gool uu xilli danbe dhaliyay Anthony Modeste ayeey Girondins Bordeaux waxey 1-1 kula gashay kooxda 10-ciyaartoy ku ciyaareysay ee Olympique Marseille horyaalka Ligue 1.
Marseille laga soo bilaabo daqiiqadii 33aad ee ciyaarta waxey ku ciyaareysay 10 ciyaartoy markiilaga saaray Edouard Cisse.
2daan kooxood oo laga soo wada badiyay 2dii kulan ee horyaalka ugu horeysay, ayaa min halka dhibic oo ay kala heleen waxey ka dhigan tahay iney wada leeyihiin min 4 dhibcood— 8 dhibcood waxey ka wada hooseeyaan Toulouse.
Xiddiga khadka dhexe ee Marseille Cisse ayaa si toos ah loo siiyay calaamada casaanka ah daqiiqadii 33aad markii uu lugaha iskugu dhuftay Czech Republic midfielder Jaroslav Plasil.
PSG waxey leedahay 4 dhibcood halka sochaux ay leedahay fadhido booska 4aad iyadoo wadata 7 dhibcood.
ciyaaro@gmail.com



