ERETRIA: CIYAARO-Eretria:Bar-kulan-Xulka Qaranka k/cagta Soomaaliya ee dadoodu ay 20 sano jirka tahay ayaa galabtay kulankii ay la ciyaareen xulka k/cagta ee Tanzania waxey la galeen bareejo 1-1 ah, kaasoo ka tirsanaa tartanka xulalka da’ yarta ee Bariga iyo bartamaha afrika.
Xulka Soomaaliya ayaa kulankaan wuxuu u ahaa kii 2aad oo ay ciyaaraan iyadoo kulankii 1aad ay 0-0 la galay xulka Sudan, waxeyna sidaa Soomaaliya ku leedahay 2- dhibcood 2dii kulan oo ay ciyaarta.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Soomaaliya laga dhaliyay goolka, hayeeshee markii la isku soo laabtay daqiiqadii 60aad ayaa Soomaaliya waxey heshay goolkii bareejada waxaan u dhaliyay ciyaaryahan Baaruud oo ciyaarta ka dhigay 1-1 oo ay ku soo idlaatay.
Daqiiqadii 70aad ee ciyaarta Xulka Soomaaliya waxaa laga siiyay calaamada casaanka ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee C/kariin.
Xulka Soomaaliya waxaa u dhiman 2 kulan waxeyna midka ugu soo horeeya ay la ciyaari doontaa Kenya maalinta khamiista ah ee soo socota.
Wareysi aan la yeesha Madaxa Wafdiga xulka Qaranka Ali Shiino qeybta hoose ee Boggaan ayaad ka dhageysan kartaa.
ciyaaro@gmail.com
Manshlah aad ayaan ugu farxasanahay gusha labaad ee aay keenen qulka qaranku waxan ilahay ka rajaynayaa kulamda so socodana in aay badiiyaan guuul
waaxaan ku farax sanahay guusha eey soo hoysay xulkaa qaranka somaliyed ayaan taan dar dar waaye somalida allaha uu siyaadiyo guul mar walba
maashaa allah aad bay uciyaareen xulka ina matalaaya waana kufarxsanahay cayaar wanaaga ay bandhigeen waxaana kula taliniyaa inay meel fiican kagaaraan tartankaas wabillaahi towfiiq
Wanu ku faraxsanahay guulaha isdaba yaalo e aan gaarnay waxane rajeenena inan meel fiican gaarno insha’allh
Wa ciyaaryahan hore e fursad u waayay inu xirto funaanada xulka qaranka somalia balse waxan u rajenaya xulka qaranka guul weyn iney so hoyaan