Taariikhda kulanka habeen danbe (Super Cup)
CIYAARO-Waa markii ugu horeysay oo ay ku kulmaan tartan UEFA ay leedahay, FC Internazionale Milano iyo Atlético de Madrid , 2da kooxood waxey wada doonayaan iney UEFA Super Cup ku darsadaan koobka ay heystaan.
Rafael Benítez wuxuu doonayaa koobkii ugu horeeyay ee yurub ah in isagoo macalin u ah FC Internazionale Milano uu u qaado xilli ay habeen danbe fooda isdari doonaan kooxda heysta UEFA Champions League iyo kooxda heysta UEFA Europa League ee Club Atlético de Madrid waxey ku dagaalami doonaan UEFA Super Cup oo lagu ciyaari doono Stade Louis II in Monaco.
UEFA Super Cup
•tan iyo markii la soo bilaabay koobkaan 1998 2dii kooxood ee ugu horeysay ee koobkaan wada ciyaara waxey ahaayeen Chelsea FC iyo Real Madrid CF.
• Benítez koobka UEFA Super Cup horey ayuu u qaaday, gaar ahaan markii uu joogay Liverpool FC markaasi wuxuu ka adkaaday PFC CSKA Moscow oo uu kaga badiyay 3-1 2005.
• Benítez garoonka lagu ciyaarayo ee Stade Louis II wuxuu tagay isagoo macalin u ah Liverpool November 2004, markaas 1-0 qasaaro ah wuxuu ka soo qaatay AS Monaco FC tartanka UEFA Champions League heerka group stage.
• Benítez wuxuu helay xuquuda ah inuu ciyaaro koobka UEFA Super Cup 2004 markii uu UEFA Cup u qaaday Valencia CF, laakiin intii uusan ciyaarin kulankaasi ayuu kooxda ka tagay wuxuu aaday Anfield. Markaasi waxaaa Valencia – macalin u noqday Claudio Ranieri – kaasoo FC Porto 2-1 koobkii kaga qaatay.
• hadii ay Inter qaado koobkaan, Benítez wuxuu noqonayaa macalinkii 6aad–ee koobkaan 2 mar qaada, intaa waxaa u dheer inuu noqon doono macalinkii ugu horeeyay ee Spanish ah– ee 2 mar koobka UEFA Super Cups qaada.
5 macalin ee horey min 2da mar u soo qaday waxey kala yihiin:
– Raymond Goethals (RSC Anderlecht 1976 iyo 1978)
– Arrigo Sacchi (AC Milan 1989 and 1990)
– Sir Alex Ferguson (Aberdeen FC 1983 and Manchester United FC 1991)
– Louis van Gaal (AFC Ajax 1995 and FC Barcelona 1997)
– Carlo Ancelotti (AC Milan 2003 and 2007)
• sidoo kale Benitez wuxuu noqon doonaa macalinkii 3aad ee koobkaan u kala qaada 2 kooxood oo kala duwan marka laga yimaado Sir Alex Fargusen iyo Van Gaal oo 2 kooxood oo kala duwan koobkaan u qaaday.
• xiddigaha Inter ee Thiago Motta iyo Samuel Eto’o koobkaan waxey ciyaareen 2006 iyagoo u safan Barcelona, laakiin 3-0 waxaa koobka kaga qaadatay Sevilla FC.
• Dejan Stankovi? wuxuu I ciyaarayay S.S. Lazio markii ay koobkaan 1-0 kaga qaadeen Manchester United FC 1999 halka 3 sano kadib uu la safnaa Real Madrid CF waxaa kula jiray xilligaa Esteban Cambiasso waxeyna 3-1 kaga adkaadeen Feyenoord .
• waa markii ugu horeysay oo ay 2 macalin oo u wada dhalatay dalka Spain ay ku hardamaan UEFA Super Cup, wallow 1993 ay sidaan oo kale ku dagalameen koobkaan 2 macalin oo u wada dhalatay Italy waxey kala ahaayeen Nevio Scala oo Parma FC watay iyo Fabio Capello oo Milan watay.
5 sano ka hore sidaan oo kale waxaa koobka ku dagaalamay 2 macalin oo u wada dhalatay Dutch , kuwaasoo kala ahaa Aad de Mos’s oo watay KV Mechelen iyo Guus Hiddink oo PSV Eindhoven.
• laga soo bilaabo markii la soo bilaabay UEFA Cup 1999, kooxaha heysta UEFA Champions League ayaa kala bar qaatay 10-kii koob ee la soo qabtay koobka UEFA Super Cup.
• AC Milan ayaa ah kooxda ugu badan ee hanatay koobka Super Cup taariikhda, markii ugu danbeysay waxey 3-1 kaga adkaatay Sevilla 2007 waxeyna kooxda Rossoneri sidaa ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee koobkaan qaadatay mudo 5 mar ah. Juventus 2 mar ayeey heysataa, S.S. Lazio iyo Parma ayaa min hal mar ku guuleystay.
• Real Madrid hal mar ayeey heystaa koobkaan waxeyna markaasi 3-1 kaga adkaatay Feyenoord 2002 , laakiin 1998 iyo 2000 koobka waa laga qaaday. Barcelona ayaa waxey tahay kooxda ugu hanashada badan dalka Spain kooxihiisa 3 mar ayeey qaadatay, Valencia 2 mar ayeey heysataa halka Sevilla ay mar qaaday.
Ciyaarta
• waa markii ugu horeysay oo ay Internazionale Milano iyo Atlético de Madrid ku wada kulmaan tartan ay leedahay UEFA.
• 37 kulan oo ay Inter la ciyaartay kooxaha Spanish tartamada UEFA 13 mar wey ka badisay 11 bareejo 13 marna waa laga badiyay , waxaa ku jira finalihii 1964 ay 3-1 kaga badiyeen Real Madrid magaalada Vienna tartanka European Champion Clubs.
• Atlético koobkii ugu horeeyay ee yurub ah waxey ka qaaday koox talyaani ah oo ah ACF Fiorentina marki ay u dhiibtay 3-0 marki ay ku wada ciyaareen Stuttgart garoonka ku yaala ee Neckar stadion 1961/62 waxey ka qaaday koobka UEFA Cup Winners.
• koox talyaani ah oo ay la ciyaarto waxaa ugu danbeysay markii Parma ay kaga adkaatay 5-2 1998/99 semi-finalihii UEFA Cup– laakiin xilligaasi waxey isla tartankaasi ka reebtay AS Roma.
• Atlético 14 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha talyaaniga ah tartanka UEFA club waxey ka diiwaan gashatay 6 guul , 2 bareejo iyo 6 guuldaro.
• Benítez 14 kulan oo uu la ciyaaray kooxaha Spainish ah tartanka European–7 guul, 5 bareejo iyo 2 guuldaro.
• Macalin Quique Sánchez Flores 7 kulan oo uu la ciyaaray kooxaha dalka talyaaniga– wuxuu ka diiwaan gashaday 2 guul 1 bareejo ah iyo 4 guuldaro. Guuldarooyinkaasi waxaa ku jira 5-1 qasaaro ah oo uu ka qaadtay SSC Napoli 1992 UEFA Cup xitaa ciyaartaasi Quique Flores banaanka ayaa loo saaray.
• Benítez waa markii 3aad oo isku xigta oo uu la ciyaaro Atlético iyadoo isla sanadkaan Liverpool markii uu macalinka u ahaa uu qasaaro kala soo kulmay Atletico tartanka UEFA Europa League heerkiisa semi-finals.
• Liverpool iyo Atlético 1-1 ayeey 2 mat galeen xilli ciyaareedkii 2008/09 markii ay isku arkeen Champions League group stage.
• Benítez iyo Quique Flores waxey wada joogeen Real Madrid 1994/95, labadooduba waxey macalinimadooda ka soo wada bilaabeen kooxda yaryarka ee Santiago Bernabéu, Benítez wuxuu macalin noqday 1986 halka Quique Flores uu macalin noqday 2001.
• markii uu macalinka u ahaa Valencia macalin Quique Flores mar ayuu Inter kaga badiyay away goals 2006/07 wajiga 1aad ee UEFA Champions League.
• Motta wax yar wuxuu la joogay Atlético, 6 kulan ayuu u saftay 3 ka mid ah badal ayuu ku soo galay 2007/08. wuxuu la joogay Barcelona intii u dhaxeysay 1999 illaa 2008.
• Tomáš Ujfalusi waa halka ciyaaryahan ee Atlético u ciyaaraya ee waqti ku soo qaatay Serie A, wuxuu u soo ciyaaray Fiorentina intii u dhaxeysay 2004 illaa 2008.
• 4 ka mid ah ciyaartoyda Inter waxey ka soo ciyaareen Spain gaar ahaan Real Madrid oo ay isku magaalo yihii Atletico : Esteban Cambiasso (1996-2004), Eto’o (1997-2000), Walter Samuel (2004-05) iyo Wesley Sneijder (2007-09).
4taasi ciyaartoy kuma jiro mid ka soo garab ciyaaray xiddigaha haatan u ciyaara Atlético kuwaasoo horey ugu soo ciyaaray Real Madrid , waxeuy kala yihiin José Manuel Jurado (2005-06) iyo José Antonio Reyes (2006-07) oo mar ka soo ciyaaray garoonka Santiago Bernabéu.
• xiddiga Inter Diego Milito wuxuu u soo ciyaaray Real Zaragoza intii u dhaxeysay 2005 illaa 2008, halka Victor Obinna uu sanadkii tagay deyn ahaan ugu soo ciyaaray Málaga CF.
• Eto’o mudo 12 sano ah wuxuu soo joogay Spain, isagoo u soo ciyaaray CD Leganés, Real Madrid, Espanyol, Mallorca iyo Barcelona ka hore intii uusan ku soo biirin Inter 2009.
ciyaaro@gmail.com



