Trezeguet oo aaday Spain
ALICANTE, Spain (CIYAARO)—Weeraryahankii hore ee France David Trezeguet ayaa aaday horyaalka Spain isagoo 2 sano oo heshiis ah u saxiixay kooxda dhawaan galka ku ah horyaalka ee Hercules.
32-sano jirka Trezeguet wuxuu maalmihii ugu danbeeyay uu kulamo la lahaa kooxda ka dhisan Alicante-kadib markii uu ka tagay kooxda Juventus, oo uu la joogay mudo 10 sano ah.
Trezeguet wuxuu sheegay inuu diiday dalab kaga yimid horyaalada Italy, France iyo England—waxaa ku jira kooxaha rabay sida uu sheegay Liverpool—laakiin wuxuu sheegay inuu jeclaaday inuu ka ciyaaro Spain.
Trezeguet iyo Juventus waxey isku fahmi waayeen habkii uu ugu ciyaari lahaa kooxda isagoo rabay in luu ka mid noqdo 11ka ciyaartoy ee garoonka lagu bilaabayo halka ay Juve diiday, sanadkii wuxuu kooxda ka qaadan jiray?4.5 million ($5.7 million).
Trezeguet wuxuu 4 horyaal oo Serie A la qaaday Juventus wallow 2 ka mid ah laga xayuubiyay.
Wuxuu noqday gool dhaliyaha ugu sareeya horyaalka Serie A markii uu dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkii 2001-02.
ciyaaro@gmail.com



