UEFA uu su’aalo weydiineysa garsoore

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, August 19th, 2010
Readers:1052

ZAGREB, Croatia (CIYAARO)—Xiriirka k/cagta ee Croatian ayaa sheegay in UEFA ayaa baaritaan ku heyso oo ay su’aalo weydiineyso garsoore u dhashay Croatian kaasoo ciyaar uu qabtay looga shakiyay inuu laaluush qaatay sida ay sheegeen police dalka German.

Garsoore Bruno Maric ayaa waxaa su’aalo la weydiinayay mudo 3 saacadood ah xalay magalaada Zagreb. Laakiin markii uu ka soo baxay qolkii su’aalaha lagu weydiinayay wuxuu diiday inuu saxaafada la hadlo.

Maric wuxuu garsoore ka ahaa ciyaartii ay Dinamo Zagreb kaga badisay 3-0 kooxda Hajduk Split oo aheyd finalaha koobka national Cup.

Zoran Mamic, oo ah maamulaha Dinamo, oo ay UEFA u yeertay sidoo kale si ciyaartaasi wax loogu weydiiyo ayaa wuxuu inkiray in su’aalo la weydiiyay , wuxuuna sheegay in marqaati ahaan uu halkaa u aaday, laakiin wargeyska la yiraah Sportske Novosti ayaa qoray in isaga xitaa laga shakisan yahay.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>