CIYAARO-Weereryahanka FC Internazionale Milano Diego Milito ayaa qaatay abaalmarinta sanadka ee 2010, markii uu ka qaaday ragii kula tartamayay oo kala ahaa Lionel Messi oo FC Barcelona ah iyo Wayne Rooney.
Diego Milito oo loo doortay 2010 UEFA Club Forward of the Year, ayaa waxaa hadyadaan lagu siiyay xaflad weyn oo ka dhacday magaalada Monaco.
Milito wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Inter ah ee qaata abaalmarintaan laga soo bilaabo markii uu Ronaldo ku guuleystay abaalmarintii ugu horeysay ee la qabto 1998.
Raúl González ayaa ah xiddiga kaliyaha ee 3 mar oo isxigta qaatay jaaizadaan laga soo bilaabo 2000, Messi oo sanadkii tagay qaatay abaalmarintaan wuxuu noqday markaa weeraryahankii 3aad ee Barcelona ah ee qaata hadyadaan, waxaa kaga horeyay Ronaldinho (2005) iyo Samuel Eto’o (2006).
Sidii loogu kala guuleystay abaalmarintaan tan iyo markii al soo bilaabay.
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
ciyaaro@gmail.com