WestBrom oo keensatay Peter Odemwingie

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, August 21st, 2010
Readers:690

WEST BROMWICH, England (CIYAARO)—West Bromwich Albion ayaa soo xero galisay weereryahanka reer Nigeria Peter Odemwingie kaasoo ay ka keentay kooxda Lokomotiv Moscow shalay, si ay weererka kooxad ugu xoojiyaan.

Kooxda horyaalka ku cusub waxey bixisay lacag aan ilaa iyo hada qiimaheeda la sheegin , 29-sano jirkaan ayaa si fudud wuxuu ku helay visaha shaqada ee dal ku galka Britain maxaa yeelay 75 boqolkiiba ayuu xulkiisa Nigeria u ciyaaray 2dii sano ee la soo dhaafay.

Odemwingie wuxuu saxiixay 2 sano oo heshiis ah iyadoo kooxda aysan kaga horeyn wax ciyaaryahan caalami ah oo weererka ka ciyaara.

Odemwingie wuxuu ka mid ahaa xulkii la soo ciyaaray Argentina iyo Greece koobkii aduunka. Wallow Nigeria lagu reebay wareega 1aad.

Macalin Di Matteo ayaa sidoo kale wuxuu bilaabay inuu dhiso khadka dhexe ee kooxda markii uu keenay ciyaarahanka reer Cameroon ee Somen Tchoyi oo uu ka keenay kooxda horyaalka Austria  heysata ee Salzburg.

27-sano jirkaasi Tchoyi ayaa sidoo kale wuxuu saxiixay 2 sano oo heshiis ah , sidaasi oo kale lacagtiisa lama sheegin.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>