CIYAAR: MUQDISH-Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya U- 17 ayaa maanta ka dhoofey garoonka Aden Adde International iyagoo ku sii jeeda Casimadda Doxa ee Qadar halkaasoo ay tababar kusoo qaadan doonan inta laga gaarayo bilowga bisha soo socota ee September.
Xiriirka Kubadda cagta ee Somaliya ayaa MartiQaad ka heley xiriirka wadanka Qadar si xulka Qaranka 17jirada loogu xareeyo halkaasi,iyada oo laba kulan oo ka tirsan ciyaaraha isreereebka tartanka dhalinyarada Qaarada Africa ee dadoodu ka hooseyso 17-ka Sano, 6da iyo 10ka bisha September kula ciyaari doona dhigooda Egypt magaalooyinka Alexanderia iyo Cairo.
Tababaraha xulka U-17 somalia Yuusuf Cali Nuur (yuu-Cali) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kulanka ay guul ka rajeyn doonaan,maadaama xulka uu xareysnaa muddo bil ka badan iminkana ay ku sii jeedaan Qadar si ay ula qabsadaan Cimilada wadamada carabta,halkaasina tababar kale ku sameyn doonaan inta ka harsan bisha Ogost,
Xoghayaha xiriirka kubadda cagta C/qani said Arab ayaa ii sheegey ka hor intii aysan ambabixin in xiriirka soomaliyeed ee kubadda cagta Marti qaad balaaran uu ka heley dhigiisa Qadar iyada oo mudada ay joogi doonaan Doxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda xiriirka dalkaasi, iyaga oo u bandhigi doona baahida X.S.K.C, isla markaana kala kaashan doonaan horumarinta kubadda cagta soomaliya.
C/qani ayaa sheegey in wafdiga baxaya uu ka kooban yahay 30 xubnood oo isugu jirta 25ciyaartoy tababarayaal iyo madaxda wafdiga,waxayna transit ku noqon doonaan dalka kenya,waana markii ugu horeysay ayuu yiri tiro 25 ciyaartoy fursad loo siiyo inay dibadda kasoo cayaaraan.
Runtii dhalinyaradanU-17 waxaa ku jira geesiyaashii guulaha ka keeney kulamadii hore ee Isreeb-reebka oo aan kenya 3-1 kaga adkaaney 2 is-arag,iyada oo lagu darey ciyaartoy kale oo cusub,waxaana uu hoosta ka xariiqey in labada is arag ee kulamada Egpt ay kula ciyaari doonaan isla dalkooda,maadaama somalia suuragal noqon karin in Dal lagu marti qaado,waxaana uu rajeeyey inay ku guuleysan doonaan hadafkooda ku aadan horumarinta kubadda cagta somalia.
Si kastaba xiriirka kubadda cagta ee |somaliya oo 19kii bishii hore lagu soo doortey muqdsho ayaa wada dadaalo ku aadan ka qeybgalka tartamada dibadda iyo howlaha kale ee lagu doonayo in lagu hormariyo kubadda cagta dalka oo mudo dhulka tiiley, waxaana xiriirka uu dhowaan soo gabogabeeyey ciyaaraha dugsiyada gobolka banaadir,iyada oo sidoo kale dibadda u direy 2 xul qaran oo 20jirada somaliya Asmara ku yeeshey kulankoodii ugu horeeyey ee Cefaca oo Sudan 0-0 ay ku kala bexeen,waxaana sidoo kale xusid mudan inuu socdo dadaal ku aadan sidii loo sameyn lahaa garoonka weyn ee jaamacadaha oo lagu balan sanyahay dhamadka sanadkan in lagu qabto horyaalkii heerarka 1aad iyo 3aad.
C/xafiid C/samad Zaciimka
Aden cadde Airport-muqdisho
zaciimka02@hotmail.com