Arsenal oo 3-1 ku hadaafisay Partizan

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 29th, 2010
Readers:706

BELGRADE, Serbia (CIYAAR)—Marouane Chamakh iyo gool oo uu xilli danbe u dhaliyay  Sebastien Squillaci ayaa waxey caawisay Arsenal taasoo kooxda 10-ciyaartoy ku ciyaareysay ee Partizan Belgrade kaga adkaatay 3-1 kulankii xalay ee Champions League.

Arsenal ayaa hogaanka qabatay markii uu goolkii 1aad ee ciyaarta ay ka heshay Andrey Arshavin,  kaasoo kubad si fudud u dhaafiyay goolhaye Vladimir Stojkovic daqiiqadii 15aad.

Laakiin waxaa goolkaasi soo bareejeeyay Cleo 33 daqiiqo markii ay ciyaarto mareysay kaasoo ahaa gool rigoore ah. Arshavin ayaa kooxdiisa ka cunay gool rigoore ah oo loo dhigay, ka hore intii uusan Chamakh 2-1 ka dhigin ciyaarta. Hayeeshee farxada ciyaarta waxaa  suura galiyay Squillaci oo madaxa ku dhaliyay goolkii guusha daqiiqadii 82aad.

Group H game, waxaa haatan hogaanka u haya si wada jira h Arsenal iyo Shakhtar waxeyna ku wada hogaaminayaan 6 dhibcood, halka Partizan iyo Braga ay yihiin wax dhibic la’aan ah

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>