Ajax iyo AC Milan oo isku ag dhacay
by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, September 29th, 2010
Readers:520
AMSTERDAM (CIYAARO)—Zlatan Ibrahimovic ayaa gool uu ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Ajax wuxuu ugu suuragaliyay AC Milan iney 1-1 ku kala qaataan dhibcihii markii xalay ay ku kulmeen Group G tartanka Champions League.
Captain-ka Ajax Luis Suarez ayaa kooxda loo martida ahaa wuxuu u dhiibay hogaanka 23 daqiiqo markii ay mareysay, inkastoo ay kubadaasi ku sii dhacday El Hamdaoui.
Kulankaani wuxuu xasuus gooni ah u lahaa Clarence Seedorf iyo Ibrahimovic oo dib uggu soo laabtay kooxdoodi hore ee Ajax Amsterdam.
Milan waxey haatan leedahay 4 dhibcood markii ay 2 kulan ciyaartay halka Ajax ay ka leedahay hal dhibic oo quraha.
ciyaaro@gmail.com
Related posts:
Roma oo cashir siisay Bayern Munich
Napoli oo guul taariikhi ah kala hoyaaday Champions League
Bayern & Napoli oo isku ag dhacay, City oo guul taariikhi ah heshay



