Chelsea oo guuldaro ay ku dhacday
MANCHESTER, United Kingdom (CIYAARO) – Roberto Mancini ayaa wali wuxuu aamisan yahay in Chelsea ay tahay kooxda iska leh horyaalka Premier League title, wallow ay kooxdiisa Manchester City dhabarka u saarisay kooxda reer London guuldaradii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkaan.
Kooxda horyaalka difaacaneysa, waxey soo wada badisay 5 tii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka, ayaa 1-0 qasaaro ah markaan waxey ka qaadatay kooxda Eastlands waxeyna kaga mahadcelineysaa goolkaasi oo dhashay qeybtii danbe captain-ka cusub ee City Carlos Tevez.
Natiijadaasi waxey soo baxday 24 kadib markii macalinka City Mancini uu sheegay in Chelsea ay tahay horyaalka dalka.
Guusha kooxda ugu hantid badan aduunka ee City waxey ka tirtireysaa niyad jabkii ay ka soo qaaday West Bro moo ka soo reebtay League Cup.
City sidoo kale waxaa iska heystay maalmihii ugu danbeeyay dib u dhacyo fara badan oo xaga horyaalka ah , waxey qasaaro kala kulantay Sunderland waxeyna dhibcihii ka soo qaadan weysay Blackburn.
Mancini iyo Ancelotti oo dal ka soo wada jeeda waxey wada kulmeen 8 mar kooxda City ayaa 4 ka mid ah 6dii kulan ee ugu danbeysay badineysay.
ciyaaro@gmail.com



