FIFA oo aqbashay doorashad Sudan

Published on September 1, 2010 by   ·   No Comments
Sudanese Football Association
Number of View: 485

KHARTOUM, (CIYAARO) – Sudan ayaa waxey ka badbaaday in laga mamnuuco ciyaaraha caalamiga ah kadib markii ay dib u sameeyeen doorasho cusub oo hogaan cusub loogu doortay xiriirka k/cagta ee dalkaasi taasoo aysan soo faragalin dowlada dalkaasi, sida ay sheegtay FIFA xalay.

Xiriirka aduunka (FIFA) ayaa ugu hanjabay Sudan inuu xayiraad saari doono, taasoo qiimeynta aduunka kaga jirta kaalinta 121 ee aduunka, kadib markii dowladda Khartoum ay qaar ka mid ah musharaxiinta u diiday iney u tartamaan doorashii dhacday July 26 ee sanadkaan.

FIFA, waxey diiday iney aqoonsato natiijadii ka soo baxday doorashadaasi, waxaana loo qabtay dhamaadkii bishii tagtay ee August iney doorasho cusub sameeyaan taasoo ay qabteen xiriirka Sudan kadibna la aqoonsaday.

“waxaan xaqiijineynaa in doorashadii Sudan ka dhacday sabtidii ay aheyd mid sax ah isla markaana ay FIFA aqbashay natiijadii ka soo baxday,” FIFA ayaa hada siisay wakaalada wararka ee Reuters ku sheegtay.

Sudan waxey hada u fasaxantahay iney ciyaarto isreebreebka African Nations Cup kulan ay la ciyaari doonto Congo Sept. 4, sidoo kale FA waxey sheegtay iney martigalin doonaan tartanka CHAN ee Africa sanadka soo socoda kaasoo ay ciyaarayaan ciyaartoyda horyaalada gudaha dalalkooda ka ciyaarta .

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

9 sano kadib Bayer oo caga dhigatay Finalaha Champions league
Uruguay be crowned South American champions for a record 15th time
Ghana iyo Mali oo soo baxay, Guinea iyo Botswana oo dib u laabtay
Share
Readers Comments (0)




Sticking with his man

Macalinka England Capello oo ka soo horjeestay xil ka qaadista John Terry

ROME (CIYAARO)—Macalinka England Fabio Capello ayaa diidmo ...
Cristiano Ronaldo

Xavi oo xayawaano guuldareystay ku tilmaamay ciyaartoyda Real Madrid

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ...
-

$1 million oo abaalmarin ah ayaa faraha laga saaray xulka Equatorial Guinea

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ...
Our Reader's Comments
Most Popular