Houllier oo macalin u noqday Villa

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 9th, 2010
Readers:612

LONDON (CIYAARO) – Macalinkii hore ee France Gerard Houllier ayaa loo magacaabay inuu macalin cusub u noqdo Aston Villa oo ka ciyaarta horyaalka English Premier League, sida ay kooxdaasi sheegtay.

63-sano jirkaasi, wuxuu macalin u soo ahaa Liverpool intii u dhaxeysay 1998 iyo 2004, wuxuu hada ahaa agaasimaha farsamada ee dalka France sidoo kale wuxuu ahaa agaasimaha macalimiinta xiriirka FFF wuxuuna shaqadaasi hayay tan iyo markii uu ka tagay Lyon, 2007.

Waxaa la siiyay fasax ah inuu shaqadaasi aadi karo isla markaana uu shaqada uu hayo uu iska casili karo , wuxuuna ogolaanshahaasi ka gelay gudoomiyaha kmg ah ee French Footballl Federation Fernand Duchaussoy.

Wuxuu xilkaasi ka qaadi doonaa Kevin MacDonald, ii shaqadaasi hayay tan iyo markii uu Martin O’Neill si lama dilaan ah shaqadaasi ugu tagay August 9 maalin ka hore markii uu bilaaban lahaa horyaalka England.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>