GELSENKIRCHEN, Germany (CIYAARO)—weeraryahanka reer Netherlands Klaas-Jan Huntelaar ayaa ku biiray horyaalka Bundesliga gaar ahaan Schalke isagoo ka tagay AC Milan.
Macalinka Schalke Felix Magath ayaa laga soo xigtay isagoo la hadlaya Bild wada hadalado aad ayeey ugu adkeeyeen sidii la filayay
Magath wuxuu horey kooxda u keenay rugcadaagii hore ee Spain Raul Gonzalez iyo difaacii hore ee Germany Christoph Metzelder oo ka keenay Real Madrid.
Schalke—oo sanadkii tagay horyaalka ka gashay kaalinta 2aad waxey ka qeybgaleysaa sanadkaan Champions League—laakiin musiibada ka dhacday waxey tahay in laga wada badiyay 2dii kulan ee horyaalka ugu horeysay Bundesliga.
Sidoo kale kooxdu waxey soo gabagabeysay soo xero galinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid Jose Manual Jurado oo ay ku soo gadatay ?13 million ($16.5 million).
ciyaaro@gmail.com