Real Madrid oo dirqi ku dhaaftay Auxerre
AUXERRE, France (CIYAARO)— Angel Di Maria oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa dhamadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay Real Madrid taasoo 1-0 kaga adkaatay Auxerre kulankii xalay ee Champions League.
Madrid natiijadaani waxey u dhiibeysaa hogaanka Group G oo ay 6 dhibcood ku hogaamineyso markii ay wada badisay 2dii kulan oo ay ciyaratay, kooxda ugu hooseysa ee Auxerre waxey xaqiijisay iney tartanka gabi ahaan ka hartay. AC Milan ayaa booska 2aad kaga jirta group-kana waxey wadataa 4 dhibcood markii ay 1-1 la gashay Ajax, taasoo hal dhibic sidaa ku heshay.
Macalinka Madrid Jose Mourinho wuxuu doonayaa inuu noqdo macalinkii ugu horeeyay ee koobkaan u qaada 3 koox oo kala duwan markii uu horey ula soo qaaday Inter Milan iyo Porto 2004.
ciyaaro@gmail.com




viva RM