Robinho oo saldhigtay Milan

Published on September 1, 2010 by   ·   No Comments
Robinho
Number of View: 897

LONDON, (CIYAARO) – Weeraryahanka reer Brazil Robinho ayaa soo afjaray farxad la’aantii ku heysatay Manchester City markii uu si rasmi ah ugu biiray AC Milan xalay.

Laakiin lacagta lagu kala gatay wali lama sheegin inta ay dhantahay, hayeeshee waa heshiis qiimo sare ku kacaya iyadoo suuqa kala iibsiga irdaha la iskugu dhuftay  tan iyo inta laga gaarayo January.

26-sano jirka Robinho, oo  City 32.5 million pounds ay kaga soo gadatay Real Madrid isla markaana u 80 kulan u ciyaaray xulkiisa, ayaa wuxuu boos ka waayay Manchester isagoo 6dii bilood ee ugu danbeysay deyn ahaan ugu maqnaa horyaalka Brazil gaar ahaan Santos.

Robinho, wuxuu qalinka ku duugi doonaa 4 sano oo heshiis ah, wuxuuna fure u noqon doonaa kooxda Serie A ka ciyaarta oo ay horyaalka ugu danbeysay 2004.

Sky Television ayaa soo muujiyay sawirka 26-sano jirkaasi oo jooga Milan gaar ahaan garoonka tababarka kooxda.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

FIFA baaritaan ku sameyneysa hadalka Triesman
Real Madrid oo ku ceeboowday Almeria
El Clásico oo la beeniyay in Xilli Duhur la ciyaari doono
Share
Readers Comments (0)




Cristiano Ronaldo

Xavi oo xayawaano guuldareystay ku tilmaamay ciyaartoyda Real Madrid

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ...
-

$1 million oo abaalmarin ah ayaa faraha laga saaray xulka Equatorial Guinea

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ...
Equatorial Guinea's squad

$1m ayeey heli doonaan ciyaartoyda Equatorial Guinea hadii ay ka badiyaan Libya

Ciyaartoyda xulka Equatorial Guinea ayaa waxey kala ...
Our Reader's Comments
Most Popular