Rubin Kazan oo niyad jabisay Barca
Christian Nobua iyo David Villa ayaa min gool rigoore ah oo ay u kala dhaliyeen 2dooda koooxood waxaa dhibcihii ciyaarta ku kala qaatay Barcelona iyo Rubin Kazan oo 1-1 isla dhaafi waayay kulankii caawa Champions League ee Group D.
Nobua ayaa Rubin hogaanka u dhiibay markii uu gool rigoore ah u dhaliyay daqiiqadii 30aad.
Hayeeshee Barcelona ayaa daqiiqadii 60aad iskaga soo guday goolkaasi mid la mid ah oo rigoore ah waxaana u dhaliyay Villa.
Kulamada 3aad oo dhacaya Oct. 20keeda, Barcelona waxey martigalin doontaa FC Copenhagen halka Rubin ay la ciyaari doonto Panathinaikos.
Kooxda reer Russian ee Rubin Kazan waxey garoonka ka dareerisay Barcelona oo ay ka muuqatay niyada jab aad u weyn.
Rubin, sanadkii tagay 4 dhibcood ayeey ka qaadatay Barcelona markii ay ku kulmeen heerkaan oo kale.
Rubin, markii ay ugu tagtay Barca sanadkii hore gurigeeda Nou Camp waxey u soo dhiibtay 2-1 markii gurigeeda la yimidna waxey ku kala tageen 0-0.
Natiijadaani waxey siineysaa Barcelona 4 dhibcood 2 kulan oo ay ciyaartay.




wan idin salamaye dhamaan dadka xiseyo ciyaha aniga hadi an ka hadlo ciyaraha mel fican ayey marayan marka aniga waxan koobka u rajeyna nadiga an jeclahay chalsea fc
sax waasaa ushegtay sxb anigaba waan
urajenayaa chelsea fc
aniga waxan u rajaynaya los galacticos ama superstars real madrid