Spurs oo ku farxalatay Twente

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, September 30th, 2010
Readers:892

LONDON (CIYAARO)—Rafael van der Vaart ayaa goolka 1aad u daahfuray Tottenham , wixii markaa ka danbeeay waxey bilowday iney goolal kale sii dhaliso taasoo markii danbe keentay in 4-1 ay dhulka kula gasho FC Twente.

Kooxda reer English taasi waxey ugu dhigantahay iney heshay guusheedii ugu horeysay ee tartanka Champions League.

Xiddiga reer Netherlands bilowgii ciyaarta wuxuu kooxdiisa ka qasaariyay gool rigoore ah oo loo dhiibay lakaiin 2 daqiiqo oo quraha markii ay ka soo wareegatay qasaaradaasi ayuu Tottenham hogaanka u dhiibay laakiin nasiib xumadiisa daqiiqadii 61aad ayaa ciyaarta laga saaray markii uu jaallihii 2aad ee ciyaarta uu qaatay.

Roman Pavlyuchenko ayaa 2 gool oo rigoore ah u sii dhaliyay Tottenham.waxaana ku soo qatimay kii 4aad  Gareth Bale 5 daqiiqo oo quraha markii ay ciyaarta oo dhan ka harsan tahay .

Tottenham waxey Group A ku hogaamineysaa 4 dhibcood waana markii ugu horeysay oo ay ka soo qeybgasho Champions League sidii magacaan loogu bixiyay . kulanka soo socda waxey la ciyaari doontaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Inter Milan Oct. 20.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>