Stuttgart oo soo gadatay Camoranesi

Published on September 1, 2010 by   ·   No Comments
Mauro_Camoranesi_
Number of View: 1078

BERLIN, (CIYAARO) – VfB Stuttgart ayaa soo gadatay xiddigii hore ee xulka qaranka Italy koobka aduunka u qaaday ee Mauro Camoranesi kaasoo ay ka keentay Juventus markii ay kula soo heshiisay hal  sano oo heshiis ah oo micnihiisu yahay in loo kordhin karo qandaraaskiisa, sida ay sheegeyso kooxda horyaalka Bundesliga.

Saacado ka hore intii uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Stuttgart waxey sheegtay iney soo gabagabeysay heshiiska ciyaaryahanka asalkiisu yahay Argentina-ka ee khadka dhexe, kaasoo 2006 koobka aduunka u qaaday Italy.

Kooxdu waxey diiday iney shaaciso wax kale oo faahfaahin ah oo la xiriirta lacagaha lagu soo kala gatay 33-sano jirkaasi, oo 2dii sano ee la soo dhaafay wehel u noqday dhaawacyo.

Stuttgart waxey u baahatay iney dib isku xoojiso markii ay hal dhibic ah xitaa ay heli weysay 2dii kulan ee ay horyaalka ciyaartay.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Iniesta, Xavi & Messi oo iskugu soo haray Ballon d’Or
Barca & Madrid oo kulmi doona
Bayern oo ku tumatay Hertha
Share
Readers Comments (0)




Sticking with his man

Macalinka England Capello oo ka soo horjeestay xil ka qaadista John Terry

ROME (CIYAARO)—Macalinka England Fabio Capello ayaa diidmo ...
Cristiano Ronaldo

Xavi oo xayawaano guuldareystay ku tilmaamay ciyaartoyda Real Madrid

BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ...
-

$1 million oo abaalmarin ah ayaa faraha laga saaray xulka Equatorial Guinea

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, ...
Our Reader's Comments
Most Popular