Arsenal 1-0 ku dhaaftay West Ham
LONDON (AP)—Alex Song ayaa xilli ay ciyaarto dhamaad ku dhowdahay goolkii badiska ahaa madaxa ugu dhaliyay kooxdiisa Arsenal taasoo 1-0 ku dhaaftay kooxda horyaalka ugu hooseysa ee West Ham waxeyna kadaba jiitameysaa hogaamiyaha horyaalka Premier League ee Chelsea.
Xiddiga khadka dhexe ee xulka Cameroon ayaa daqiiqadii 88aad goolka ka dhaliyay Hammers taasoo ku dadaaleysay iney dhibic ka hesho garoonka Emirates Stadium.
Arsenal waxey 5 dhibcood u jirtaa Chelsea, taasoo 2-1 kaga adkaatay Blackburn.
West Ham waxey jiiftaa halka ugu hooseyasa horyaalka iyadoo wadata 6 dhibcood, tani waxey cadaadis ku tahay macalin Avram Grant.
LIVERPOOL, England (AP)—Aiyegbeni Yakubu ayaa daqiiqadii 67aad u dhaliyay kooxdiisa Everton 1-0 ay kaga adkaadeen Stoke.
Weeraryahanka reer Nigeria waa markii ugu horeysay ee uu shabaqa taabo xilli ciyaareedkaan isagoo Stoke u diiday iney bareejo ka hesho bareejo garoonka Goodison Park.
Everton oo horyaalka si liidata ku bilowday ilaa iyo hada 5 kulan lagama badin oo horyaalka, waxeyna haatan ku jirtaa heerka dhexe iyadoo wadata 13 dhibcood.
Stoke waxey qarka la sii galeysaa halka ay jiifaan kooxaha horyaalka ugu hooseeya 10 kulan oo ay ciyaartay.



