AS Roma oo 2-0 kaga badisay Lecce
by Suni Said Salah | Posted on Saturday, October 30th, 2010
Readers:667
MILAN (AP)—Nicolas Burdisso iyo Mirko Vucinic ayaa u kala dhaliyeen AS Roma 2-0 ay kaga badisay Lecce xalay, iyadoo 2da kooxood min 10 ciyaartoy ay ku dhameysteen ciyaarta Serie A.
Captain-ka Roma Francesco Totti iyo Ruben Olivera ayaa markii ay isdagaaleen laga saaray ciyaartay si wada jira h.
Roob culus oo baajiyay ciyaartii Marseille vs. Rennes
MARSEILLE, France (AP)—Roob xoogan oo ka da’ay ayaa dib u dhigay kulankii horyaalka French league ee u dhaxeeyay kooxda horyaalka difaacaneysa ee Marseille iyo kooxda horyaalka hogaamineysa ee Rennes.
Saraakiisha garoonka Stade Velodrome ayaa sheegay in garoonka uu noqday mid roob ka buuxsamay iyadoo aysan jirin meel looga ciyaari karay . xilli cusub ayaa loo sameyn doonaa kulankaasi.
Marseille oo horyaalka ku bilwoday natiijooyin aad u liita ayaa waxey haatan ku jirtaa booska 2aad, waxeyna hal dhibic u jirtaa Rennes oo horyaalka hogaankiisa ku fadhida.
Related posts:
Capello oo heshiis u saxiixay England
Inter oo qaadatay koobkii kooxaha aduunka
Messi oo tirada goolashii ka dhigay 13 gool



