Cassano oo raaligaliyay gudoomiyihiisa

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 31st, 2010
Readers:688

GENOA, Italy (CIYAARO)—Weeraryahanka Sampdoria Antonio Cassano ayaa si publicly ah u raaligaliyay gudoomiyaha kooxdiisa Riccardo Garrone, maalin kadib markii kooxdu ay ku dhawaaqday iney heshiiska go’aan ka gaari doonto.

Cassano wuxuu u sheegay wakaalada ANSA, “aad ayaan ugu xumaha wixii dhacay waxaana ka raali galinayaa gudoomiye Garrone.”

Murunka dhexmaray 2da nin ayaa ka dhashay markii habeenkii talaadada aheyd uu Cassano diiday in uu wehelyeelo Garrone uu u socday xaflada casho ah halkaaso abaalmarin lagu siin lahaa. Cassano wuxuu sheegay inuu xaaskiisa aadayo halkii uu xafladaasi ka aadayo.

Garrone aya markaasi kadib Cassano u diiday tababarka kooxda isla markaana waxaa loo sheegay inuu xayiranyahay isla markaana laga fiirsanayo heshiiskiisa.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>