Chelsea oo nafla caari kaga badisay Blackburn

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, October 30th, 2010
Readers:450

Branislav Ivanovic ayaa dhamaadkii ciyaarta madaxa ugu dhaliyay goolkii guusha Chelsea taasoo 2-1 kaga adkaatay Blackburn , waxeyna wali horyaalka ku hogaamineysaa 5 dhibcood Premier League.

Ivanovic ayaa goolkaasi dhaliyay daqiiqadii 84aad , isagoo sidaa kooxdiisa ugu xaqiijiyay 3 dii dhibcood ee ciyaarta.

Benjani Mwaruwari ayaa Blackburn hogaanka ciyaarta u dhiibay daqiiqadii 21aad markii El Hadji Diouf uu kubadd cross ah ka helay.

Hayeeshee Nicolas Anelka ayaa soo bareejeeyay goolkaasi daqiiqadii 39aad iyadoo sidaa ay Chelsea ku soo kabatay.

Chelsea waxey horyaalka ku hogaamineysaa 5 dhibcood oo ay ka sareyso Arsenal, taasoo 1-0 ku dishay West Ham.

Clint Dempsey ayaa qeybtii hore ee ciyaarta 2 gool oo uu u dhaliyay Fulham waxey 2-0 kaga badisay Wigan horyaalka Premier League.

Waxey Fulham sidaa ku leedahay 12 dhibcood 10 kulan oo ay ciyaartay, halka Wigan ay jiifto booska 10aad.

Related posts:

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>