Dortmund oo booska kala baxday Mainz

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 31st, 2010
Readers:424

FRANKFURT, Germany (AP)—Borussia Dortmund ayaa daaqada kala baxday Mainz isla markaana ku fariisatay hogaanka horyaalka Bundesliga markii ay 2-0 kaga adkaatay.

Mario Goetze, oo 18-sano jir ah ayaa goolkiisii 1aad ka dhaliyay , taasoo uu ugu suuragaliyay in kooxdiisa ay hal dhibic ka sara marto Mainz, taasoo gool rigoore ah oo loo dhigay iska qasaarisay.

Dortmund waxey dhigay record cusub markii ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee taariikhda Bundesliga 5 tii kulan ee ay banaanka ku soo ciyaarta wada badisay xilli ciyaareedkaan , waxeyna sidaa ku yeelatay 25 dhibcood.

Dortmund waxey heysataa 6 horyaal oo German iyadoo Champions League qaaday 1997 laakiin dhawaan waxey ka badbaaday iney musalafto.

Mainz oo horyaalka yaab ka dhigtay ayaa haaran 2dii kulan ee ugu danbeeyay laga wada adkaaday.

Related posts:

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>