Juve oo hadaafisay AC Milan

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 31st, 2010
Readers:1583

ROME (CIYAARO) – Juventus ayaa guuldaro u xanbaarisay kooxda AC Milan markii ay 2-1 u saarisay ciyaartii xalay ka dhacday garoonka San Siro iyadoo sidaa ku soo nooleysay rajada horyaalka scudetto.

Fabio Quagliarella iyo Alessandro Del Piero ayaa 2daasi gool u kala dhaliyay Juve taasoo u suuragalisay iney booska 4aad soo fariisato ee Serie A, waxeyna 2 dhibcood oo kaliyaha ka hooseysaa Milan oo ah kooxda ay ka badisay.

Guusha Juventus waxey timid xilli cambaareyn culus loo jeedinayo qaab ciyaareedka kooxda oo ah iney xilligii xumaa ku jirto.

Del Piero wuxuu xalay dhaliyay goolkiisii 179aad ee intii uu u ciyaarayay Juventus , waxeyna taasi ka dhigan tahay inuu yahay ciyaaryahanka heysta record gool dhalinta kooxdaasi, hal gool wuxuu ka sara maray Giampiero Boniperti.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>