Liverpool oo naflacaari ku dhaaftay Bolton

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 31st, 2010
Readers:535

BOLTON, England (CIYAARO)—Maxi Rodriguez ayaa goolkii guusha u dhaliyay 4 daqiiqo markii ay ka dhiman tahay ciyaartu kooxdiisa Liverpool taasoo 1-0 kaga badisay Bolton , waxeyna natiijadaasi ka soo saartay halka hoose ee horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Argentina wuxuu siiyay Liverpool guushii 2aad oo isku xigta.

Rodriguez goolka uu u dhaliyay kooxda 18-ka horyaal heysata wuxuu ku dhigayaa booska 12aa iyadoo leh 12 dhibcood.

NEWCASTLE, England (AP)—Kevin Nolan ayaa 3 ka mid ah dhaliyay goolashaasi halka Shola Amoebi uu 2da soo hartay dhaliyay taasoo u suuragalisya Newcastle iney kooxda 10-ciyaartoy ku ciyaareysay ee Sunderland ay 5-1 ku dardarto horyaalka Premier League.

Guushaasi waxey Newcastle u direysaa booska 7aad ee horyaalka Premier League markii ay heshay 14 dhibcood 10 kulan oo ay ciyaartay.

LONDON (AFP) – Aston Villa iyo Birmingham ayaa 0-0 ku kala tagay ciyaartii ay wada ciyaareen horyaalka markii ay ku kulmeen garoonak Villa Park.

Natiijadaasi waxey wada siineysaa 2da kooxoodba dhibco aad iskugu dhow, Villa waxey leedahay 12 dhibcood halka Birmingham ay 11 dhibcood min 10 kulan oo ay wada ciyaareen

Related posts:

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>