Manchester U oo muran kaga badisay Spurs
MANCHESTER, England (AP)—Gool murun badan dhaliyay oo uu dhaliyay Nani ayaa Manchester United waxaa ugu suuragashay iney 2-0 kaga badiso Tottenham, iyagoo garsoore Mark Clattenburg uu diiday inuu qaato soo jeedintii kaaliyihiisa xilli 2da kooxoo ay aad u cabanaya.
Clattenburg ayaa sheegay in kubaddu ay aheyd mid socota xilli goolhayaha Spurs Heurelho Gomes uu dhulka dhigtay isagoo aamisan iney kubaddu dhimatay isla markaana wuxuu doonayay inuu laado laakiin Nani oo goolhayaha gadaashiisa ka yimid ayaa goolkii dhaliyay.
Goolkaasi kaaliyaha garsoore Clattenburg’ wuu diiday laakiin isagaa ku adkeystay.
Nemanja Vidic ayaa goolka 1aad u dhaliyay United daqiiqadii 31aad.
Manchester United waxey sidaa ku ilaashatay record ah ineysan wax qasaaro ah ka soo gaarin Tottenham garoonkeeda Old Trafford.
Tottenham waxey wali sugeysaa guusheedii ugu horeysay oo ay garoonka United ku gaarto laga soo bilaabo 1989. 68 kulan oo ay ilaa iyo markaa ku ciyaartay meysan ka badin.



