Platini oo ka tanaasulay mucaaradnimadii goal-line tech
GLASGOW, Scotland (CIYAARO)—Madaxweynaha UEFA Michel Platini ayaa ka tanaasulay mucaaradnimadii uu ku ahaa qalabka goal-line technology, wax ka yar todobaad markii guddiga maamula k/cagta aduunka uu kula heshiiyay in dood furan laga yeesho arrintaan.
Ururka caalamiga ah ee k/cagta International Football Association Board ayaa todobaadkii tagay sheegay iney tijaabin doonaan qalabkaasi kaasoo go’aan laga gaari doono ka hore inta aysan dhamaan bisha soo socota, waxaa laga yaabaa in qodobkaasi uu ka mid noqdo sharciyada k/cagta u yaala.
Platini ayaa horey u sheegay in goal-line technology uu ciyaata ka dhigayo “Playstation football,” waana sababtii ku dhalisay in uu soo hindiso in garsoorayaasha ciyaaraha yurub qabta laga dhigo 5 garsoore
Platini wuxuu u horseeday UEFA in ciyaaraha Champions League iyo Europa League ay qabtaan 5 garsoore.
“hal gasoore kuma filna xilligaan casriga ah k/cagta, adigoo heli kara 20 camero,” Platini ayaa laga soo xigta markii uu ka taanasulayay go’aankiisa. “camero wax waliba wey arki kartaa laakiin garsooruhu wuxuu leeyahay 2 indhood. Xilli waliba qalad ayuu sameyn karaa, laakiin camerooyinkaan wax ay gafayaan ma jiraan.
Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com



