Ronaldo oo guushii faraha ka saaray Madrid

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, October 31st, 2010
Readers:777

MADRID (CIYAARO)—Cristiano Ronaldo ayaa 2 gool oo uu dhaliyay 8dii daqiiqo ee ugu dambeysay wuxuu ugu suuragaliyay Real Madrid iney 3-1 kaga adkaadaan Hercules sidaana waxey ku jiifatay hogaanka Spanish league, halka Barcelona ay 5-0 kaga adkaatay Sevilla.

Hercules ayaa hogaanka ciyaarta qabatay 3 daqiiqo markii ay socotay kaasoo uu dhaliyay David Trezeguet ka hore intii uusan goolkii bareejada ahaa Real Madrid u dhalin Angel Di Maria daqiiqadii 53aad.

Ronaldo ayaa goolkiisii 12-aad ka dhaliyay garoonka Rico Perez Stadium isagoo sidaa ku ah hogaamiyaha gool dhalinta horyaalkaasi.

Madrid waxey horyaalka ku hogaamineysaa 23 dhibcood 9 kulan oo ay ciyaartay, Barcelona ayaa booska 2aad ku jirta oo leh 22 dhibcood markii ay min 2 gool u kala dhaliyeen Lionel Messi iyo David Villa iyadoo ay 5-0 ku dubatay Sevilla.

Barcelona waa guushii 4aad oo isku xigta oo ay 4-0 kaga badineyso kooxda reer Andalucian.

Messi wuxuu dhaliyay goolkiisii 7aad ee horyaalka wuxuuna xaga gool dhalinta ka hooseeyaa —Ronaldo—Messi sidoo kale goolkaasi wuxuu u ahaa goolkii 10aad ee uu ka dhaliyo Sevilla.

Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>