Xayawaankii badali lahaa Octopus oo France laga helay
OBERHAUSEN, Germany (CIYAARO)—Xayawaanka aduunka caanka ka noqday ee saadaalin jiray ciyaarihii koobka aduunka ee sanadkaan lagu soo gabagabeeyay South Africa Paul the Octopus ayaa xayawaankii badali lahaa waxaa laga helay dalka French.
Gabar afhayeen ah oo u hadashay xerada lagu xanaaneeyo xawaanka badda ku jira oo la yiraah Tanja Munzig ayaa sheegtay in octopus cusub, oo sidoo kale la yiraah Paul, uu ku dhashay meel u dhow koonfurta French gaar magaalada Montpellier. Waxaana aduunka loo soo bandhigi doonaa todobaadka soo socda.
Paul –kii hore oo u dhashay England ayaa si iskiisa u dhintay isagoo ku geeriyooday xeradii lagu xanaaneenayay oo ku taala magaalada Oberhausen, ee Germany.
Xayawaankaasi oo faramagooge loo yaqaan wuxuu saadaaliyay 7 ka mid ah ciyaarihii koobka aduunka waxeyna u dhaceen sidii uu u saadaaliyay iyadoo ay ku jirtay ciyaartii Spain ay koobka kaga qaaday Netherlands.
Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com




waan taageeraa webkaan