Barcelona oo siisay Mourinho cashir cusub
BARCELONA, Spain (CIYAARO)—David Villa oo 2 gool u dhaliyay Barcelona ayaa waxaa u suura gashay iney Jose Mourinho iyo Real Madrid ay ku xasuuqaan 5-0 sidaana ay ku fariistaan hogaanka horyaalka, iyadoo guushaasi ay u tahay tii 5aad oo isku xigta oo ay ka helaan kulanka loo yaqaan “clasico”.
Xavi Hernandez iyo Pedro Rodriguez ayaa hogaanka u dhiibay kooxda horyaalka difaacaneysa iyagoo 18 daqiiqo gudahood 2-0 hogaanka ku qabtay. Jeffren Suarez oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa daqiiqadii 90aad ee ciyaarta oo ay soo xaadireen taageerayaal ku dhow 100,000 oo daawade garoonka Camp Nou stadium wuxuu ka dhigay 5-0.
Barcelona waxey Madrid ku harqisay baasas gaabgaaban oo xawaare ku socda , waana guushii 2aad oo ay Barca ka gaarto Madrid taariikhdeeda intii ay ciyaarayeen oo ay 5-0 kaga badiso, sidaasi oo kale waxey dhacday 1993-94.
Real guuldaradaan waxey u tahay tii ugu horeysay oo ka soo gaarta horyaalka , iyadoo raadineysay iney guushii ugu horeysay ka soo hesho garoonka Camp Nou laga soo bilaabo December 2007.
Mourinho, wuxuu isagoo tarjumaan ah la soo shaqeeyay kooxda Catalan gaar ahaan xilli uu joogay Bobby Robson.
Real oo kulankaan ka hore u muuqatay in ay tahay koox aad u difaac fiican ayaa waxaa ka muuqday isku dhexyaac badan waxeyna goolasha laga dhaliyay ka dhigeysaa ilaa iyo hada goolasha laga dhaliyay 7 gool oo kaliyaha.
Barcelona waxey haatan horyaalka ku hogaamineysaa 34-dhibcood halka Madrid ay leedahay 32 min 13 kulan oo ay ciyaareen.
Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com
