Inter Milan oo goolal ku waraabisay Parma

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, November 28th, 2010
Readers:756

Dejan Stankovic ayaa 3 ka mid ah u dhaliyay Inter Milan 5-2 ay kaga adkaatay Parma taasoo ay ku soo afjartay 4 kulan oo aysan wax guul ah arag horyaalka Serie A.

Hernan Crespo ayaa u dhiibay hogaanka Parma, iyadoo inter ay tahay mid ka mid ah kooxihiisii hore ee uu u soo ciyaaray, laakiin Inter durbaba ciyaarta waxey ka dhigtay 3-1 iyadoo kaga mahadcelineysa Stankovic oo 2 gool dhaliyay iyo mid kale oo uu ku daray Esteban Cambiasso.

Kooxda darajada 2aad ee Lazio waxey 1-1 la dhaafi weysay Catania waxey qasaarisay fursad ay aad ugu dhawaan laheyd kooxda horyaalka hogaankiisa ku fadhida ee AC Milan.

Milan waxey horyaalka ku hogaamineysaa 30 dhibcood, halka Lazio oo booska 2aad jiifta ay leedahay 27aad.

Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>