Newcastle oo niyad jabisay Chelsea
NEWCASTLE, United Kingdom (CIYAARO) – Chelsea ayaa qasaarisay fursad ay ku aadi laheyd hogaanka sare ee horyaalka English Premier League markii ay 1-1 la dhaafi weysay Newcastle United ciyaartii ka dhacday St James’ Park.
Salomon Kalou oo goolkiisii 7aad ee xilli ciyaareedkaan u dhaliyay Chelsea ayaa ku tirtiray gool uu dhaliyay Andy Carroll kaasoo u sahlay kooxda horyaalka difaacaneysa iney gool tirsi kaga sara marto Arsenal oo ay darajada 2aad ku wada jiraan.
Chelsea 2 dhibcood ayeey u jirtaa Manchester United ,laakiin natiijadaasi waxey ka dhigantahay in the Blues ay heshay hal guul oo kaliyaha 5tii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.
Newcastle oo kaalmaha dhexe ku jirta wey u qalantay dhibicdaasi ay heshay maadama ay ku ciyaareysay garoonkeeda St James’ Park.
Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com



