Spurs oo ku qubeysatay Liverpool

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, November 28th, 2010
Readers:717

Aaron Lennon ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray wuxuu kooxdiisa Tottenham u dhaliyay goolka guusha taasoo ay 2-1 ku garaacday  Liverpool kulankii horyaalka Premier League.

Waa guushii 3aad oo isku xigta oo ay horyaalka ka hesho, sidaa dartee waxey Spurs hal dhibic ka hooseysaa Manchester City, taasoo ku fadhida booska 4aad ee loogu soo baxayo Champions League.

Martin Skrtel ayaa goolka Liverpool u dhaliyay daqiiqadii 42aad, kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeyay ee sanadka, laakiin difaacaasi wuxuu ahaa dhaliyaha goolkii bareejad ahaa ee kooxdiisa lagu soo bareejeeyay kaasoo uu soo laaday Luka Modric daqiiqadii 65aad.

Jermain Defoe ayaa gool rigoore ah ka qasaariyay Spurs sidoo kale waxaa laga diiday gool uu dhaliyay oo lagu sheegay inuu ahaa offside ka hore inta uusan Lennon dhalin goolka guusha.

Kooxda Red Devils sabtidii waxey 7-1 ku maasheysay Blackburn, waxeyna tahay wali kooxda aan laga badin horyaalka.

Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>