Xulka qaranka Soomaaliya oo shil gaari ku galay Tanzania
Xulka k/cagta Soomaaliya ee ka qeybgalaya tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee Tanzania ka soconaya ayaa galabtay shil gaar ku galay dalkaasi xilli ay u socdeen garoonkii ay tababarka ku qaadan lahaayeen.
Ciyaartoyda xulka qaranka ayaa intooda badan waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud oo jilbaha ka soo gaaray iyadoo qaarkood ay ka muuqato naxdin iyo sas ay ka qaadeen shilka ay galeen.
Xulka qaranka soomaaliya oo shalay ciyaartii ugu horyesay ciyaaray tartanka CECAFA ayaa waxaa xulka Burundi ka soo gaartay qasaaro 2-0 ah, iyadoo beri oo talaado ah la balansan xulka Tanzania ee martida loo yahay.
Sidii shilkaasi u dhacay waxaa radio bar-kulan ugu waramay Farah Ali Mohamed (Farah Blue) oo ka mid ah wariyayaasha tartankaasi ka qeybgalay isla markaana xulka qaranka la socday.
Xulka Soomaaliya oo shil gaar ku galay tanzaniya1




wan kufarax sanahey in an marwalba lasocdo ciyaaraha mahadsanidiin