Banaadir iyo Nugaal oo fooda is dari doona

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, December 26th, 2010
Readers:907

Gobolka Nugaal ayaa noqday gobolkii ugu horeeyay ee u soo baxa wareega 4ta ama semifinalaha tartanka k/cagta ee ciyaaraha gobolada markii uu galabta 2-1 kaga farxashay gobolka Mudug oo ay ciyaar adag ku wada yeesheen garoonka Mire Aware ee magaalada Garowe. Nugaal oo ah gobolka martida loo yahay ayaa wareega Semifinalka wuxuu la ciyaari doonaa gobolka Banaadir oo ka mid ah gobolada looga cabsi qabo koobkaan. Gobolka Banaadir ayaa isagana xaqiijiyay u soo bixitaanka wareega 4ta ee tartankaan markii uu 2-1 kaga gudbay gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa goboladii ugu ciyaarta wanaagsanaa ee ciyaarahaan ka soo qeybgalay. Beri waxaa la sugayaa oo wada ciyaari doona gobolada kala ah. Ciyaarta 1aad Bari Vs Baay Ciyaarta 2aad J hoose Vs Sh Dhexe 2dii gobol ee soo badisa iyaga ayaa isku dhici doona  waxeyna wada ciyaari doonaa 29 bishaan. Tartankaan oo soo bilowday 15-kii bishaan waxaa lagu wadaa in la soo afjaro maalinta Jimcaha ah ee 31 ka bishaan. Sunni Said Salah Garowe

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>