Banaadir oo gaartay finalaha tartanka gobolada+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, December 28th, 2010
Readers:1625

tageerayaasha gobolka banadir oo garoonka Mire awaare fadhiya ciyaartii galabtay ay Banaadir 5-4 rigoorayaasha ah kaga badisay Nugaal/photo by Sunni

Gobolka Banaadir ayaa soo gaaray ciyaarta kama danbeysata ah ee tartanka k/cagta gobolada Soomaaliya markii uu galabtay 5-4 rigoorayaal ah kaga adkaaday gobolka Nugaal oo ay isku arkeen semifinalaha tartankaan.

Ciyaarta oo xilligii looga talagalay iyo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ku soo idlaatay 1-1 ayaa waxaa si toos ah loo tuurtay laad ku laad ama rigoore, taasoo u sahashay gobolka Banaadir iney 5-4 ku badiyaan.

goolhayaha Nugaal oo ka badbaaday gool uu ka dhalin lahaa weeraryahanka Banaadir/ photo by Sunni

Banaadir waxey fiinalaha ku sugeysaa gobolada Jubbada Hoose iyo Bari midkii soo badiya maalinta beri ah kuwaasoo wada ciyaari doona semifinalaha kale.

Madaxda xiriirka iyo wasiirka sports Puntland oo la hadlaya ciyaartoyda Nugaal iyo Banaadir ka hore intii aysan bilaaban ciyaarto/photo by Sunni

Gobolka banaadir sida ku dhigan taariikhda tartanka k/cagta gobolada wuxuu qaaday 2 koob markaana wuxuu doonayaa inuu markii 3aad ku guuleysto koobkaan oo ah kii 18aad.

ciyaartoyda banaadir oo garoonka soo galaya/photo by Sunni

Nugaal waxey u sii diyaar garoobi doontaa sidii ay kaalinta 3aad ula ciyaari laheyd Bari iyo Jubbada hoose midkii soo hara ee beri laga soo adkaado, waxaana ciyaarta kaalinta 3aad la ciyaari doonaa subaxa jimcaha ah.

orodyahanka caanka ah ee Soomaaliya Cabdi Bile Cabdi oo ciyaartii Banaadir iyo Nugaal daawashadeeda ka soo qeybgalay galabtay/photo by Sunni

Tartanka waxaa la soo gabagabeyn doonaa galabta jimcaha ah oo la ciyaari doono ciyaarta ugu danbeysa.

taageerayaasha gobolka nugaal oo garoonka soo buuxiyay ciyaartii galabtay/photo by Sunni

Sunni Said Salah
Bar-kulan, Garowe

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. asc kum dhaman yaasalam wan filayay in ay sidan dhacayso dadka nugal ma waxay ilawen mahmahdi ahayd wa libaxyadi banadir yay ku lefine ka lexo kakakakakaka runti waxan u hambalyaynaya sxbkayga qaliga ah e cali gobo o ka mid ah ciyartoyda ka qaybgalaysa tartanka gobolada sxb dadalkaga wad wariya suni sacid salax waxan ka codsan laha in a iso gudsid xidiga ka tirsan ciyartoyda gobolka banadir telphone numburkisa adiga o igu so diraya email kaygan abuu_cabdala81@hotmail.com wan ka sugi sxb suni waxan rawa in an ka farxiyo bye sxb suni

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>