Banaadir oo koobkii 3aad ee k/cagta gobolada la hoyaaday+Sawiro
Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartankii 18-aad ee k/cagta gobolada Soomaaliya kadib markii uu 1-0 kaga badiyay gobolka Bari ciyaartii finalaha aheyd oo ay galabtay ku wada ciyaareen garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe.
Goolka Banaadir ay ku badisay oo dhashay qeybtii hore ee ciyaarta bilowgeedii hore gar ahaan daqiiqadii 4aad ee ciyaarta waxaa u dhaliyay Ali Maxamed Aaboow oo number-ka 9aad uga ciyaara.
Banaadir oo galabtay ku guuleystay koobkii 18aad ee k/cagta gobolada Soomaaliya ayaa wuxuu u noqonayaa koobkaan kii 3aad oo ay taariikhdeeda ku guuleysto marka laga yimaado 2 mar oo ay horey ugu guuleysto xilligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Gobolka Bari wuxuuu lumiyay fursad uu ku qaadan lahaa koobkii 2aad ee k/cagta gobolada Soomaaliya, maadaama koobkiisii ugu horeeyay uu qaatay sanadkii 2000 xilligaasoo ay koobka ka soo qeybgaleen 8 gobol oo kaliyaha waxaana xilligaasi koobkaasi lagu qabtay Puntland.
Markii ciyaarto dhamaatay waxaa la bixiyay abaalmarino aad u fara badan oo la kala siiyay kooxihii tartanka ka soo qeybgalaya iyo warbaahintii tartanka sida gaarka ah u tabineysay.
Banaadir oo koobka ku guuleystay waxaa la siiyay koobkii, 20 biladood oo dahab ah iyo 60 million oo shillion Soomaali ah.
Bari oo koobka kaalinta 2aad ka gashay waxaa la siiyay 20 biladood oo qalin ah iyo 40 million oo shillion Soomaali ah.
Nugaal oo kaalinta 3aad tartanka ka gashay waxaa la siiyay 20 biladood oo maar ah iyo 20 million oo shillin Soomaali ah.
Ciyaaryahankii tartanka ugu fiicnaa waxaa loo doortay Maxamed Xuseen Jaamac oo gobolka Nugaal khadka dhexe ugu ciyaarayay.

goolhayaha Banaadir oo faroole abaalmarin ka qaadanaya markii uu noqday goolhayaha tartanka photo by Sunni
Goolhayihii tartanka ugu fiicna waxaa loo magacaabay oo abaalmarintii la siiyay C/qaadir Maxamed Jaamac oo gobolka Banaadir goolka u hayay.
Macalinkii ugu fiicnaa waxaa loo doortay Abshir Ali Yusuf oo macalin u ahaa gobolka koobka laga qaaday ee Bari.
Gobolkii ugu akhlaaqda fiicnaa waxaa loo doortay gobolka Bakool oo ka mid ahaa 15-kii gobol ee tartaka ka soo qeybgalaya.
Sida ku qoran taariikhda xiriirka k/cagta Soomaaliya koobkaan waxaa la qabtay 18 mar waxaana loo kala qaaday koobkaan.
8- Mar waxaa ku guuleystay gobola Jubbadda Hoose.
3- Mar waxaa ku guuleystay gobolka Shabeelaha dhexe.
3- Mar waxaa sidoo kale qaadatay gobolka Banaadir.
2- Mar waxaa qaatay gobolka Shabeelaha Hoose.
1- Mar waxaa waxaa la hoyaaday gobolka waqooyi galbeed.
1- Waxaa sidoo kale ku guuleytay gobolka Bari
Sunni Said Salah
Garowe, Puntland










aaaaaaad ayaaan ugu farahsanahay in gobalka banadir oo aan taageero u ahaa in uu qaado goobka waadna kumahadsantahay sogudbintada uni siid salah thanks my friend
Waan idin salaamay ciyaaro sln kadib waxaan ku faraxsanahay banaadir u ku guleestay cupka runti wepkan ciyaaro waa wep fiican lkn wararka dibada maka hadashan maxaa dhacay waan idin baryaa ka hadla
waaba farxad aan iga dhamaaneyn ilaa laga gaarayo kan xiga ee la qaban doona
waxayna iga dhamaanee hadee ee qaadi waayaan kan xiga
ala budhcad badeedii faroole banadir siniyada umasiin kobka wa qosal gariir ileen ujeedaduu kaleyahay ciyarahn wan ognee wuxuu leeyahay isjacayl ba dhacay dhalinyartii reer muqdishana wuu mustaafurinaya duarkiina inma faroole ba xeryihii ku kufsanaya balo ku heshay
wowow man sha allah aad & aad ugu faraxsanahay guusha banadir mida kale waxan aad & aad ugu faraxsanahay nabada puntland man sha allah madax waynaha puntland waxaa loo ilalina sida caalamka oo kale madax africa waxay u badan yihin hubka wayn wayn madax waynayasha ku wardiyan shacabka cabsi galiyan madax wayne farole wax badan ayuu puntland ka badlay
asc waxan aad ugu faraxsanahay anigoo ah cayartooy katirsan gobalka banadir gushii tariqiga aheyd oo an kagatnay koobkii gobalada budlan lagu sogaba gabeyay waxana umahad celinaya dhaman xiriirka kubada cagta iyo madax weynaha budlan faroole iyo dhaman inti soo abaabushay sxb key suni iyo dhaman tagerayashii sharafta badnay ee tagetayay gobalka banaadir waxan salan kal iyo labna halkan uga diraya macalinkeygii qiimaha iyo qaayaha badnay ee leylinayay gobalka banadir macalin cabdulahi siyaad maxamed waxan leeyahay macalin aduunka intad joogto farxad kunolow aaqirana janatul firdoowso by by waa shaafici nesta daficii gobalka banadir oo lambarka 5 naad uwatay by by