Bari iyo Banaadir oo finalaha wada ciyaari doona+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, December 29th, 2010
Readers:1150

Gobolka Bari ayaa soo istaagay ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka k/cagta ee gobolada Soomaaliya markii uu 3-1 semifinalaha koobkaan kaga adkaaday gobolka Jubbadda Hoose.

Goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta wuxuu ahaa kii ugu dhaqsiyaha badnaa tartankaan intii uu socday ka dhasha , waxaana dhaliyay Amiin Xasan Daahir  oo Number-ka 11aad u wata gobolka Bari, 29 second markii ay socotay ciyaartu ayuu dhaliyay goolkasi.

Ali Sjiino oo horkacaya garsoorayaasha iyo ciyaartoyda xilligii ay garoonka soo galayeen/photo by sunni

Qeybtii 2aad ee ciyaart markii la isku soo laabtay ayeey gobolka Bari waxey dhaliyeen 2 gool oo deg deg ah, hayeeshee wax yar ka hore dhamaadkii ciyaarta ayeey Jubbada hoose heleen goolka kaliyaha ee ay ciyaarta ka dhaliyeen.

difaaca J hoose oo kubadda iska soo bixinaya ciyaartii 3-1 qasaarada ah ay galabtay kala kulmeen Bari/photo by Sunni

Gobolka Bari wuxuu ciyaarta fiinalaha maalinta Jimcaha la ciyaari doonaa gobolka Banaadir oo shalay 5-4 rigoorayaal ah kaga soo adkaaday gobolka Nugaal.

Gud ku xigeenka X k/cagta Somalia C/rashiid Baki, Wasiirka warfaafinta puntland C/xakiin iyo Alahi Aabow Xuseen oo ka mid ah gud xigeenada xiriirka k/cagta Somalia/photo by Sunnigud ku xigeenka x

Jubbadda Hoose waxey kaalinta 3aad kula dagaalami doonta gobolka Nugaal subaxnimada Jimcaha ah, beri oo khamiis ah waa nasiino wax ciyaaro ahna lama ciyaari doono.

Banaanka hore ee garoonka oo ay calamo badan ka lulanayaan/photo by Sunni

Shafici islow oo saxaafada u qaabilsan SFF, Ali Shiino, Baakey iyo Baasaale/photo by Sunni

Sunni Said Salah
Garowe, Puntland

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>