Ciyaaraha qaboobaha somali week helsinki
Ciyaarahan oo ahaa ciyaaro aad u xiiso badan oo loogu tala galay xiliga qaboobaha ciyaarahan oo ah kubada cagta waxaana soo qaban qaabiyey uruka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland ayaa soo gaarey ciyaarihii ugu danbeeyey waxaa shalay la ciyaarey ciyaarihii semi finalka ahaa waxaana wada ciyaarey ciyaartii koowaad labada kooxood ee kala ah Swedan iyo denmark ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan gabagabadii ciyaartana waxay ku dhamaatey Denmark oo ku badisey 3 – 1 .
Tababaraha kooxda swedan sacad cumar geedi oo aan wax ka weydiinay sida uu u arko ciyaartii maanta iyo guuldaradii waxa uuna yiri waan ku faraxsanahay ciyaartii aan maanta soo bandhignay maadaama ay ciyaartoydeydu da,dooda aad u yar yareyd dadaal badana muujiyeen waxaan filayaa inaan sanadka danbe soo bandhigi doono ciyaaaro aad u wanaagsan.
Ciyaartii labaad ayaa waxaa wada ciyaarey Fc socus iyo Espoo ciyaartaas oo aheyd mid taageerayaal badan wadatay madaama ay labada kooxoodba ka dhisan yihii finland laakiin laba gobol ka kala yimid helsinki iyo espoo oo ah laba gobol oo isku dhow ciyaarta qaybteedii hore waxay ku dhamaatay 1-0 oo ay lahayd kooxda Espoo, markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta aya waxaa dardar la soo gashay kooxdii Fc-socus iyadoo dhalisey goolkii barbar dhaca ahaa weerar iyo weerar celi kadib ciyaartii waxay ku soo dhamaatay oo ay guushii raacday kooxdii Fc socus oo ku badisey 5 – 2.
Waxaana ciyaarahan ka soo qayb galay marti sharaf ka socotay Somali diaspro oo ka kala yimid wadamada swedan iyo ingiriiska oo kala ah Maxamed Macallin oo ka yimid UK iyo Xamdi Sheeq axmed iyo Abukar dhabarey .
Axmed Imad



