Iniesta, Xavi & Messi oo iskugu soo haray Ballon d’Or

by Suni Said Salah | Posted on Monday, December 6th, 2010
Readers:1403

PARIS (CIYAARO)—Xiddigaha kooxda Barcelona Andres Iniesta, Xavi Hernandez iyo Lionel Messi ayaa iskugu soo haray abaalmarinta FIFA Ballon d’Or ee xiddig sanadka.

Iniesta iyo Xavi waxey xulka Spain ka caawiyeen iney koobkii aduunka ee ugu horeeyay u qaadaan dalkood, halka weeraryahanka xulka Argentine Messi uu door muhiim ah ka ciyaaray sidii ay Barcelona markii 2aad u qaadan laheyd horyaalka Spanish.

Messi ayaa heysta abaalmarinta loo tartamayo markii sanadkii tagay ay siisay France Football magazine xilligaasoo loo doortay xiddiga yurub ugu fiican. Laakiin sanadkaan FIFA abaalmarintii ay bixin jirtay iyo tan yurub hal mid ayaa laga dhigay.

Jose Mourinho, Vicente del Bosque iyo Pep Guardiola ayaa iskugu soo haray abaalmarinta macalinka sanadka.

Xaflad lagu qaban doono 10 ka bisha Jan. 2011 magaalada Zurich. ayaa looga dhawaaqi doonaa ku  guuleystaha.

Sunni Said Salah
ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>