J hoose & Bari oo isku soo haray Semifinalah 2aad+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Monday, December 27th, 2010
Readers:1213

Gobolada Bari iyo Jubbadda hoose ayaa wada ciyaari doona ciyaarta 2aad ee semifinalaha tartanka k/cagta ee gobolada Soomaaliya markii ay ka soo kala adkaadeen Baay iyo Sh dhexe.

Gobolka Bari wuxuu 3-2 dirqi ah kaga adkaaday gobolka Baay ciyaar aad u xiiso badan oo galabtay ku dhexmartay garoonka Mire Awaare ee Garowe, iyadoo 2dii gool ee ugu horeeysay looga hormaray Bari.

Taageerayashii ciyaarta u soo daawasho tagay/Photo By Sunni

Bari qeybtii 2aad ee ciyaarta ayeey heshay goolka badiska oo ahaa mid banaanka laga soo laaday oo iyadoo aan cidna taaban goosha iska galay.

Goolhayayaasha  2da gobol waxey ahaayeen kuwo qaladaad badan uu ka muuqday.

Gobolka Jubbadda hooseoo garoonka safan/photo by Sunni

Ciyaartii 2aad ee galabta waxaa isku farasaaray gobolada Jubbada hoose iyo Sh dhexe, waxaana 4-2 rigoorayaal ah ku adkaaday gobolka J hoose markii xilligii looga talagalay ay  wax goolal ah iska dhalin waayeen.

Gobolka J hoose waa gobolka ugu hanashada badan koobabka k/cagta ee gobolada Soomaaliya waxaana markana ka go’an inuu markii 9aad la hoyaado koobkaan.

Wariye Mohamed Omar Baakey iyo Captainkii ugu horeyay ee xulka k/cagta ee Soomaaliya Mohamed khalaf Shongole oo ciyaartii galabtay dawashadeda ka soo qeybgalay/photo by Sunni

Sh dhexe waa gobolka 2aad ee ugu hanashada badan tartaan sida la sheego, warar aan lagu kalsooneyn waxey sheegayaan in 3 mar ay koobabka gobolada ku guuleysatay waxeyna sanadkaan dooneysaa markii 4ad iney qaadato.

Maalinta arbacada ah ee soo socota ayeey wada ciyaari doona gobolada Bari iyo Jubbadda hoose.

Beri galab waxaa wada ciyaari doona gobolada Nugaal iyo Banaadir iyadoo gobolkii soo badiya uu si toos ah ugu soo gudbin doono Finaalaha tartankaan.

Sunni Said Salah
Garowe

Related posts:

Tags
Displaying 2 Comments
Add Your Comment
  1. Marka hore waxan umahadnaqaa ciyaro.com sido kale sunni umahad naqaa tankale tartankan waxaa qaadi dono jubada hose

  2. Wiil Bari says:

    aa la tahay! Jubadda Hoose! boowe Galabtaan dubanay…hadaan kooyaa, boowe koobku boosaasuu tegin. Banaadir baa noo hadhay…Viva BARI guul guul

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>