Shirkada Amal oo Mobile siisay ciyaartoydii hore & Wariyayaal+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, December 30th, 2010
Readers:968

Shirkada xawaalada ee Amal express ayaa qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya oo ka qeybgalaya tartanka k/cagta ee gobolada Soomaaliya ee Garowe ka soconaya waxey maantay siisay taleefoono mobilo- ah.

Abdirashiid H Hersi (Bakin) oo guddoomiye ku xigeenka Xiriirka k/cagta isla markaana ah madaxa suuq geynta iyo maalgalinta ayaa isagoo ka wakiil ah shirkada Amal wuxuu telefoono Mobile ah gudoonsiiyay qaar ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wariyayaasha ka qeybgalaya tartanka k/cagta gobolada.

Ciyaartoyda maanta la siiyay madaxyada mobile ah waxey kala ahaayeen

Coonka-Wolker-Baakay-Shongle-Sunni-iyo-Cabdixakiin

Maxamed Aadan Khalaf (Shongole) oo ahaa captainkii ugu horeeyay ee xulka qaranka k/cagta Soomaaliya.

Coonka oo la gudoonsiiyay qolof mobile

Xuseen Ali Coonka oo ahaa macalinkii hore xulka qaranka iyo kooxihii Minishiibiyo iyo Madbacada, sidoo kalana soo noqday ciyaartoy heer qaran.

Yuusuf Maxamed Jaamac (Jeemis) oo mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka ee Hanball-ka isla markaana horseed u soo ciyaaray , sidoo kalana soo noqday macalin qaran oo handball ah, sidoo kalana ciyaartoydii falar tuurka Soomaaliya ka mid ahaa.

Jeemis iyo madax mobile ka gudoomaya Baki

Maxamed Cumar Baakay oo ka mid ahaa wariyayaashii Radio iyo Tv-ga HornAfrik isla markaana haatan ah wariyaha xiriiriya ciyaaraha garoomada Mire Awaare ka socda.

Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee xulka qaranka k/cagta Soomaaliya iyo Wariye Sunni Said Salah oo ka mid ah wariyayaasha tartanka gobolada ee Garowe ka soconaya ka qeybgalaya.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>