Blackburn oo cashir siisay Liverpool
BLACKBURN, England (CIYAARO)—Mustaqbalka Macalin Roy Hodgson ayaa mar kale wuxuu galay god mugdi ah markii xalay ay fadeexo culus ku dhacday taasoo ah guuldaro 3-1 ah oo uu kala hoyaaday Blackburn, guuldaradaasoo ka dhigan tii 9aad oo kooxda Reds ka soo gaarta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan.
Benjani Mwaruwari ayaa markiisii ugu horeeyay 2 gool dhaliyay laga soo bilaabo Nov. 6 markii garoonka lagu bilaabay, Martin Olsson ayaa hogaanka u dhiibay Blackburn.
Steven Gerrard oo kulankiisii 550 xalay saftay ayaa goolka qura ee ay Liverpool la timid u dhaliyay laakiin wuxuu qasaariyay gool rigoore ahaa oo loo dhigay kaasoo u muuqday inuu rajada Liverpool soo celin lahaa.
Liverpool 24 kulan oo ay horyaalka horey ula ciyaartay Blackburn, hal kulan oo kaliyaha ayeey guuldaro kala kulantay.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Sports Anchor, Reporter, Photographer & Webmaster



