Chelsea oo hor kuftay Everton

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, January 29th, 2011
Readers:1003

LONDON (CIYAARO)— Chelsea ayaa xilli danbe waxaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay Salomon Kalou oo ciyaarta badal ku soo galay kaasoo ay 1-1 kula gashay Everton wareega 4aad ee FA Cup.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa goolkaasi dhaliyay daqiiqadii 75aad, waxeyna 2aasi kooxood ciyaar isku celis ah ku wada ciyaari doonaan Stamford Bridge.

Chelsea 4tii koob ee FA Cup-ka ugu danbeysay 3 ka mid ah wey ku guuleysatay oo ay ku jirto 2dii ugu danbeysay. Chelsea waxey dooneysaa iney noqoto kooxdii ugu horeysay ee 3 mar oo isku xigta ku guuleystay FA Cup-ka laga soo bilaabo1886.

Ciyaarihii kale Aston Villa waxey 3-1 kaga badisay Blackburn halka Bolton ay 0-0 la gashay Wigan.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>