Dortmund oo 11-dhibcood ku qabtay hogaanka
by Suni Said Salah | Posted on Saturday, January 29th, 2011
Readers:391
BERLIN (CIYAARO)—Borussia Dortmund ayaa 11-dhibcood oo nadiid ah ku qabatay horyaalka Bundesliga markii ay 3-0 kaga badisay Wolfsburg, halka Bayern Munich ay booska 3aad soo gashay markii ay 3-1 ku maasheysay Werder Bremen.
Lucas Barrios, Nuri Sahin iyo Mats Hummels ayaa 3da gool u kala dhaliyay Dortmund.
Dortmund waxey horyaalka ku hogaamineysaa 50 dhibcood, Leverkusen ayaa ku soo xigta oo leh 39 , Bayern 36 dhibcood 20 kulan oo la ciyaaray.
Wolfsburg waxaa loo tuuray darajada 12aad waxeyna wadataa 23 dhibcood.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Related posts:
Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Spain
Lionel Messi oo laacibka aduunka noqday
Stuttgart oo gurigeeda looga badiyay



