Dzeko oo badbaadiyay Man City
LONDON (CIYAARO)—Edin Dzeko ayaa badbaadiyay Manchester City markii uu xilli danbe u dhaliyay goolkii bareejada ahaa ee ay 1-1 kula gashay Notts County wareega 4aad ee FA Cup iyadoo Arsenal oo 10 ciyaartoy ku ciyaareysay ay 2-1 kaga badisay Huddersfield.
Dzeko oo goolkaasi dhaliyay daqiiqadii 80aad ee ciyaarta wuxuu u ahaa kiisii ugu horeeyay ee uu kooxdiisa u dhaliyo weeraryahanka reer Bosnia tan iyo markii uu ku soo biiray Jan. 7.
Huddersfield waxey Arsenal qalqal ku galisay garoonka Emirates Stadium markii Alan Lee uu gool kaga naxsaday.
Arsenal waxey dhaawac ku weysay kubad sameeyahooda Samir Nasri iyadoo laga saaray ciyaarta difaacooda Sebastien Squillaci, 2 da gool waxaa u kala dhaliyay arsenal Fabregas iyo Bendtner.
Fulham ayaa ku si fiican ugu tumatay Tottenham iyadoo u saarisay 4-0, halka West Ham ay Nottingham Forest kaga gudubtay 3-2 , Stoke waxey 1-0 ku dhaaftay Wolverhampton.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



