Japan oo koobkii 4aad ee Asia la hoyaaday
DOHA, (CIYAARO)- Tadanari Lee oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta ee waqtigii dheeriga ahaa Japan u dhaliyay 1-0 ay kaga badisay Australia oo ay iskaga horyimaadeen ciyaartii finalaha aheyd ee koobka Asia sidaana ay ku qaadatay koobkii 4aad ee qaarada.
Lee ayaa goolkaasi dhaliyay daqiiqadii 109aad.iyadoo Australia, ay raadineysay koobkii ugu horeeyay ee qaarada Asian iney qaado tan iyo markii loo soo wareejiyay qaarada Asia 2006.
Japan, 120 daqiiqo ayeey soo ciyaartay ciyaartii semi-finalah aheyd ee ay rigoorayaasha kaga soo adkaatay South Korea talaadadii.
Marka laga yimaado sanadkaan oo ay Japan horyaalka Asia noqotay horey waxey koobkaan u qaaday sanadihii 1992, 2000 iyo 2004.
Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa ka qeybgalay ciyaartii finalaha aheyd ee tartankaasi oo Dubai ka socday 3 todobaad.
Sidii loogu kala guuleystay koobkaasi
2011 — Japan
2007 — Iraq
2004 — Japan
2000 — Japan
1996 — Saudi Arabia
1992 — Japan
1988 — Saudi Arabia
1984 — Saudi Arabia
1980 — Kuwait
1976 — Iran
1972 — Iran
1968 — Iran
1964 — Israel
1960 — South Korea
1956 — South Korea
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



